Now Playing: Xilka qaadista Safiirka Somalia u fadhiya Kenya Md. Ameriko ma mid sharci ah mise xad gudub loo geystay dastuurka Fkmg Somalia

Wasiirka Arrimaha dibada dowlada Fkmg ee Somalia Md. Ismaaciil Maxamuud Hurre “Buubaa” ayaa xalay ku dhawaaqay inuu xilkii ka qaaday Safiirka Somalia u fadhiya dalka Kenya Md. Maxamed Cali Ameriko.
Hadaba si aan wax badan uga ogaano xilka qaadistan ayaanu la xiriirnay qaar katirsan golaha wasiirada waxayna noo cadeeyeen in ay tahay xadgudub loo geystay dastuurka udegsan Xukuumada fkmg ee Somalia, waayo waxaa ilaa iyo hada la horkeenay golaha wasiirada safiiro aan gaaraynin ilaa toban oo la ansixiyey inay u qalmaan jagadaasi waxaana cod aqlibiyad ah lagu ansixiyey shan safiir uu ku jiro Maxamed Cali Ameriko.
Hadaba xil ka qaadista waxay iman kartaa marka 31-ka wasiir ay isugu yimaadaan golaha wasiirada oo ay ka doodaan xilka qaadista uu wasiirka sheegayo waxaa loo saarayaa gudi ka dooda oo baara danbiyada uu galay safiirka marka ay ku cadaato danbiyada lagu eedaynayo waxa ay horkeenayaan golaha wasiirada waxaana loo qaadayaa cod golaha wasiirada ah iyadoo uu shirgudoonka ansixinayo natiijada golaha wasiirada, markaasi ka dib ayaa codkaasi aqlibiyada ah la hor dhigayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada fkmg ee Somalia oo isagana go’aankiisa dib ugu soo celin kara golaha wasiirada ama aqbali kara natiijadaasi.
Hadaba si aan wax uga ogaano go’aanka wasiirka Arrimaha dibadda Md. Buubaa ayaanu la kulanay safiirka soomaaliya ee fadhiya Kenya Md. Ameeriko oo kuguda jiray hawlahiisa shaqo isagoo markaasi kusugnaa garoonka Diyaaradaha Joma Kenyata oo xiligaasi uu ka dhoofayey gudoomiyaha Baarlamaanka fkmg ee Somalia Md. Shiikh Aadan Madoobe oo kusii jeeday magaalada Baydhabo ayuu ku gaabsaday safiirka in uusan maqlin warqad qoraal ah oo kasoo baxday golaha wasiirada isla markaana uu kusaxiixan yahay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada.
Wuxuu cadeeyey safiirku inuu yahay go’aan shaqsi iska gaaray balse aysan ahayn go’aan dowli ah. Safiirka ayaa aad isugu kalsoonaa inuusan galin wax danbi ah wuxuuna sheegay inuu ka dhur sugayo go’aanka golaha wasiirada iyo go’aanka madaxweynaha taasna ay sharci tahay wuxuu kaloo cadeeyey inuusan ogayn danbi uu dowlada ka galay wuxuuna ku nuuxnuuxsaday inuu jeclaan lahaa in la baaro danbiyada uu sheegayo wasiirka dabadeedna go’aan laga gaaro.
Arrintani oo walaac weyn ay ka muujiyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya oo aan la kulanay ayaa waxay ku tilmaameen in haatan oo ay dowlada Soomaaliyeed safiir ku yeelatay dalka Kenya oo shaqeynaysa in misana ay carqalad gasho oo ay noqoto mid kasii dari doonta sidii horey loo ahaa.
Aan qooraansano dhibaatada ka dhalatay wasiirka arrimaha dibada iyo safiirka Somalia ee Kenya waxa ay tahay xumaantooda inagoo soo uruurinay waxyaalo ay isaga hor yimaadeen:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fkmg ee Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa ka codsaday Gudoomiyaha Baarlamaanka fkmg ee Somalia Shiikh Aadan Madoobe, iyo Ra’iisul Wasaare Cali Geedi inay xakameeyaan labada gole ee dowlada oo inta badan dibad jooga ah inay u shaqeeyaan sida loogu talo galay isla markaana ay ku shaqeeyaan gudaha Dalka Somalia qofkii jirana wuu fasax ka qaato labada gole madaxdooda oo aysan dhicin in Wasiir walba ama xildhibaan walba ay si iskood ah isaga tamashleeyaan dalalka deriska ama dalal kale oo ay dhalasho ka haystaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ra’iisul Wasaaraha waxay amar ku bixiyeen oo ay la hadleen Safiirka dalka Soomaalida ee Kenya inuusan samaynin wax visa ah iyadoo aan warqad qoraal ah oo lagu dalbayo Visa dal ku gal ah aan laga helin xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Arrintaani oo aad loo adkeeyey in warqad fasax laga soo qaato gudoomiyaha Baarlamaanka haduu xildhibaan yahay wasiir hadii uu yahayna fasax ka qaato ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa ay dhalisay in wasiirka arrimaha dibada Md. Buubaa oo aan wadan warqad fasax ah uu ka carooday ka dib markii uu isku dayey inuu dib ugu laabto dalka Kenya oo laga diiday inuu raaco fasax la’aan inuu fuulo diyaarad dowlada u kireeysnayd oo Muqdisho tagtay doonaysayna inay dib ugu laabato dalka Kenya.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomalia oo in badan ku cel celiyey in wasiir walba uu kushaqeeyo dalka gudahiisa ayaa inta badan ka carooda maqnaanshaha tirada badan ee wasiirada iyo xildhibaanada, isagoo sheegay in shaqooyinka looga baahan yahay ay tahay inay ku shaqeeyaan gudaha dalka Somalia.
Isku shaandhayntii golaha wasiirada ee xilka looga badalay wasiirkii hore ee arrimaha dibada Md. Cabdulaahi Sh. Ismaaciil ayaa waxa loo maleeynayaa inay ahayd ka maqnaanshaha tirada badnayd uu ka maqnaa dalka gudahiisa isagoo marar badan ka qeyb galay shirar aysan ogayn madaxda sare ee dowlada federaalka isla markaana aanan wax warbixin ah laga siin.
Taasoo loo malaynayo inay ka caraysiisay madaxda sare ee dowlada haatana ay u muuqato in ay keentay carada lala kor dhacay safiirka iyadoo hadana wasiir Buubaa uu soo kireeysan diyaarad isaga u gaar ah isagoo haatan ku sugan dalka Kenya iyadoo kusoo began tahay xili Ra’iisul Wasaaraha uu ka maqan yahay dalka kuna maqan yahay dalka Saudi Arabia.
Ma cadda tilaabada ay qaadan doonaan golaha Wasiirada iyo waliba madaxda Sarre ee dowlada iyadoo qilaafka uu yahay mid iska yar oo wasiirka arrimaha dibada uu ka carooday diyaarada loo diiday ee lagu qasbay inuu warqad shaqo ama fasax kasoo qaato Wasiirkiisa koowaad isagoo haatan kasoo tagay magaalada Muqdisho.
Lama garanayo inuu kusimaha Ra’iisul Wasaaraha kasoo qaatay warqad shaqo ama fasax midna, arrintaani ayaa Ra’iisul wasaaraha laga sugayaa tilaabada uu ka qaado labada mudane maadaama ay Xukuumadiisa ka tirsan yihiin.